FADLAN U CAAWI WIILKAAN ALLAH DARTII

Khaalid Maxamed Xirsi waa wiil yar oo noloshiisu ay la kowsatay jirro aad u daran, taas oo ah mid uu hurdo ka ledi waayey silic iyo saxariir badanna dhaxalsiisay da’diisuna hadda waa 8-bilood.

Todobaad kadib xiligii dhalashadiisa ayaa lagu arkay xanuun madaxa ka galay oo marba marka ka danbaysa kusoo badanayey ilaa uu kasoo gaaray heerka uu maanta joogo oo ah mid ishii aragtaa ilmayso, kana dhigay muuqaalkiisa mid aad looga argagaxo.

Cudurka wiilkan yar haya oo ah mid marba marka ka danbeysa kasii daraya waxaa wax lagaga qaban waayey gudaha dalka iyo wadamada deriska ah qaarkood oo la geeyey, waxayna dhakhaatiirtu ku taliyeen in loo qaado dalalka dhanka caafimaadka ku horumaray.

Qoyska wiilkan yar dhalay oo ah kuwo sabool ah waxay u baahan yihiin taageerada dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta oo dhan.
Cidii dooneysa inay lasoo xiriirto qoyska cunugan yar ee xanuunsani waxay soo wici karaan Telefoonada hoos ku xusan:

+252-90-734633 / +252-90-707992 / +252-90-759072

Dahabshiil Account: ( 003143)
Sahal Service: (412257)

XIGASHO: PUNTLAND24

ra’iisal wasaaraha soomaaliya oo booqdey jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Djibouti ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Djibouti Ismail Omar Gelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Djibouti uga mahadceliyey sida uu isaga, dowladiisa iyo shacabka Djbiouti ay marwalba ugu heelan yihiin una garab istaaganyihiin shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna sheegay in Madaxweynaha Djbouti uu yahay Aabaha Soomaaliyeed oo marwalba u taagan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisulwasaare Abdiweli ayaa uga mahadceliyey madaxweyanaha sida quruxda badan ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey dalka Djibouti. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Djibouti ciidamadii dalka Djibouto oo ku sugan Soomaaliya oo ka mid ah AMISOM.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka iyo horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhinacyo badan sida amniga, dastuurka, maamul wanaaga, gar-gaarka bani’aadanimo iyo dib-u-heshiisiinta. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sidoo kale u faahfaahiyey Madaxweynaha Djibouti heshiikii Addis Ababa oo uu sheegay inuu ahaa heshiis taariikhi ah oo jadwal mucayan ah loo sameeyey sidii loo soo afjari lahaa xilliga KMG ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan kale oo gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte oo Qado sharaf u sameeyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha Djibout ayaa sheegay in dowladda Djibouti ay ka go’antahay sidii Soomaaliya loo saacidi lahaa oo looga saari lahaa marxaladdan adag. Madaxweynahu waxuu sheegay inuu arrimaha Soomaaliya si joogta ah ugala hadlo beesha caalamka. Madaxweynahu waxuu u rajeeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in EEBBE la garab galo dadaalka iyo horumarka baaxadda leh ee socda, una xaqiijiyey in Dowladda Djibouti ay marwalba diyaar u tahay garab is taaga shacabka Soomaaliyeed.

WAR DEGDEG AH: GUDOOMIYHII HORE EE EHLASUNA WALJAAMAC OO KU GEERIYOODAY SHIL GAARI

War iminka naga soo gaaraaya magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaaya in Guddoomiyahii hore ee golaha fulinta Ahlusunna Sheekh Cumar Maxamed Faarax uu caawa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay gobolkaasi.

Sheekh Cumar Maxamed Faarax ayaa galabta ka safray gobolka Galguduud waxaana uu safray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, hase yeeshee gaarigii uu saarnaa ayaa kula dhacay deegaanka Dagaari ee gobolka Mudug.

Alle ha u naxariistee Sheekh Cumar Maxamed Faarax ayaa markii hore waxaa soo gaaray dhaawac halis ah, waxaana uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale shilka ayaa waxa uu dhaawac culus kasoo gaaray dareewalkii gaariga u waday Sheekh Cumar Maxamed Faarax Guddoomiyahii hore ee Golaha fulinta Ahlusunna.

Sheekh Cumar Maxamed Faarax ayaa iminka ahaa madaxa hawlgalinta dagaalada ee Ciidamada Ahlusunna waljameeca ee hawlgalada ka wada gobolada Galguduud iyo Hiiraan.

Ciidanka DKM ee Soomaaliya oo ku dhow afgooye

Sida uu dhawaan shaaciyay Taliyaha ciidamada Gaaska 2-aad ee ciidamada Milateriga Dowlada KMG ah Soomaaliya ayaa daboolka qaaday inay maanta weerar aan dhiig ku daadan ku qabsadeen deegaanada dhaca duleedka Muqdisho halkaasoo ay hore u joogeen ciidamada Xarakada Alshabaab.

Taliyaha ayaa xusay inay weerar ka qaadeen dhanka kaxda kadibna ay u suuragashay iyadoon wax dagaal ah lagala hor imaan inay qabsadaan ilaa siinka dheer islamarkaana ay rajeynayaan inay isla maanta gaaraan ceelasha biyaha.

Sarkaalkaani u hadlay dowlada waxaa kale uu sheegay in ciidamada Amisom oo iyagana dhanka howdka dagaalo ka soo qaaday ay gaareen ilaa carbiska afgooye marka la eego dhanka howdka islamarkaana aysan wali laamiga ahaan u soo daadagin.

“Saakay labo jiho ayaan weerar ka qaadnay anaga iyo ciidamada na caawinaya ee midowga Afrika dhanka kaxda ayayna ciidamadeenu weerarka ka qaadeen iyagoo gaaray ilaa siinka dheer halka kuwa Midowga Afrikana ay howdka ka soo socdaan ayna doonayaan inay afgooye kor ka galaan”ayuu yiri C/laahi Cali Cagey

Wararka sarkaalkaani ka soo baxay ma jiraan cid xaqiijisay, dhanka kale saraakiisha dagaalyahanada Alshabaab weli wax war ah kama soo bixin marka la eego dagaalada guusha uu sheegay inay gaareen taliyaha ciidamada milataarka gaaska 2aad.

Sidoo kale wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dadkii deganaa deegaanada loo barakacay inay bilaabeen barakaca xoogan iyagoo qaarna xamar u dhaqaaqeen qaarna dhanka afgooye u qaxeen.

Shirkii madaxda Soomalida oo maalinkii labaad ka socda Itoobiya

Waxaa maalintii labaad magaalada Addis Ababa ka socda shirkii Madaxda Soomaalida oo looga hadlayey sidii loo dhameystiri lahaa dhamesytirka Xilliga KMG ah oo ay Madaxdu ka wada hadlayeen arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin, Oday dhaqameedyada Muqdisho ku sugan, sidii xal loogu heli lahaa khilaafka yar ee jira, sidii loo soo xuli lahaa Ergeda Ansixinta Dastuurka (825), sidii loo hirgelin lahaa Dastuurka Qabyo Qoraalka ah oo shacabka loogu soo bandhigi lahaa iyo sidii loo hubin lahaa in Madaxda Dhaqanka ay soo xulaan xildhibaano tayo leh oo matali kara shacabka Soomaaliyeed.

Xalay doodu waxey u badneyd Madax Dhaqameedka iyo sidii loo dhameystiri lahaa inta ka harsan liiska, isla markaana loogu gudbi lahaa sidii ay bulshada rayidka ah ula shaqeyn lahaayeen Madax dhaqameedyada oo loo arkay inay muhiim tahay inay kaalin muhiim ah ku yeelato soo xulidda xildhibaanada.

Dhammaan Madaxda Soomaalida iyo beesha caalamkaba waxaa ka wada go’an in xilliga la soo afjaro 20ka August. Ha yeeshee loo baahanyahay in caalamku uu dhaqaalihii uu ballanqaaday si dhaqso leh u soo gaarsiiyo si loogu dhameystiro shirarka muhiimka u ah soo afjaridda xilliga KMG ah.

Shirka ayaa doodo xasaasi ah ay ka socdaan maanta oo la filayo in caawa la soo gabogabeeyo. Shirkan Madaxda Soomaalida ayaa muhiimad gaar ah u leh dhameystirka Xilliga KMG ah, oo ay muhiim tahay inay dhammaan aragti mideysan ka wada yeeshaan qorshaha inta ka hartay oo ay ka mid yihiin sidii loo ansixin lahaa dastuurka, in dastuurka ay sixitaan ku wada sameeyaan si loo helo dastuur ay ku wada mideysan yihiin shirka marka uu soo dhammaado, in xal loo helo guddiga farsamada iyo sidii loo soo xuli lahaa iyo ugu danbeyn habkii loo soo xuli lahaa barlamaanka cusub.

Ciidanka XDS Oo Lawareegay Wadada Isku Xirta Agooye Iyo Balcad

ImageCiidamada xooga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta midowga Africa ee Amisom ayaa howlgalo ka wado duleedka magaalada Muqdisho iyagoona la wareegay deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Howlgalka ay saakay fuliyeen ciidamada qalabka sida iyo kuwa  Amisom ayaa Waxa Ay kula Wareegeen deegaano hor leh oo ku yaal gobolka Sh/hoose Iyadoona ciidamada ay haatan ku sugan yihiin wadada isku xirta Afgooye iyo Balcad.

Maleeshiyada Al-qaacidda ayaa iskaga baxsaday goobihii ay horay ugu sugnayeen, Qaar ka mid ah weriyeyaasha warbaahinta Muqdishu  oo ku sugan jiida hore ee Dagaalka ayaa xaqiijiyay in ay arkeen afar ka mid ah meydadka Maleeshiyaadka Al-shabaab oo goobta ku geeriyootay.

Dhanka kale waxaa maanta  garoonka diyaaradaha  dagmada dayniile ku soo Dagay labo diyaarad oo saanad miletiri u waday ciidanka XDS iyo Amisom ee dagaalka kula jira ururka Al-qaacidda.

Allmeheri Media 

WAR DEG-DEG AH: Dagaalo xoogan oo saaka ka qarxay duleedka Muqdisho iyo AMISOM oo u jiheystay Afgooye

ImageDagaalo culus ayaa saaka ka qarxay duleedka Magaalada Muqdisho, kadib markii Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay dagaal ka qaadeen dhanka Dayniile oo horay ay isku hor fadhiyeen dagaalyahanada Shabaab.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa u jiheystay dhanka degmada Afgooye, iyadoo dagaalka uu iminka ka socdo wado wareeg ah oo ka baxda Dayniile, taasoo tagta Afgooye.

Dadka ku dhaqan Ceelasha Biyaha ayaa soo sheegaya in dagaalka uu uga beegan yahay meel waqooyi ka ah, halkaasoo wado wareeg ah oo tagta Afgooye ay marto.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal aanu ka socon wadada dheer ee Laamiga, hase ahaatee uu dhaq dhaqaaq ciidan oo xoog leh uu ka jiro Ex Koontarool Afgooye.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in weerar ballaaran saaka ka qaadeen dhanka Dayniile, isla markaana la wareegeen wado cari ah oo tagta Afgooye.

Wararka laga helayo Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaq ciidan uu ka socdo, isla markaana la arkayo gaadiid dagaal oo gurmad ahaan ugu baxaya dhanka wadada aada Dayniile.

Dagaalka ayaan sidaa looga dareemin Caasimada Muqdisho, inkastoo halka lagu dagaalamayo ay tahay meel magaalada ka baxsan oo banaan ah.

Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa la hadal haayay guluf dagaal oo ay qorsheynayeen Ciidamada AMISOM inay ku qaadaan degmada Afgooye.

Wixii ka so kordha dagaalada muqdishu kala soco shabakada warbaahinta Allmeheri Media.

Allmeheri Media 

Dowladda Britain: “beesha caalamka 11 million ayeey bixinayaan, si Soomaaliya KMG looga saaro”

ImageDowladda Britain ayaa shaaca ka qaaday in beesha caalamka ay bixibneyso 11 million oo Dollar, si Soomaaliya looga saaro KMG-ka, dowladda KMG ahna looga baahan yahay fulinta qorshahaasi.

Wakiilka dowladda Britain u qaabuilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Bark Bow ayaa sheegay in beesha caalamka ay diyaar u tahay bixinta ballan qaadyadii ay u sameysay in ay ku bixineyso Horumarrinta Soomaaliya, isla markaana la qaadayo tallaaba walba oo Soomaaliya KMG looga saari karo.

Waxa uu tilmaamay in beesha caalamka ay u heellan tahay bixin lacag dhan 11 million oo Dollar, si Soomaaliya ay u gaarto dowlad dhab ah oo aan KMG ahayn, waxa uu intaa raaciyay in ay la socdaan dadaallada Soomaaliya ka socda.

“waa mid aan dhiiragalineyno dardar  galinta Dastuurka, odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee uu Muqdisho shirka uga socda waxaan uga mahad celineynaa tallaabada geysinimada leh ee ay qaadeen, dowladda Ingariiska wax ay bixin doonaan 1.0, million oo ka mid ah lacagta ay beesha caalamka bixineso” ayuur yiri Mr. Bark Bow.

Dhawaan Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in beesha caalamka ay ka gaabisay fulinta ballan qaadyadii ay dowladda u sameysay ee ku aadana dardar galinta dadaallada kharaadkii lagu xoojin lahaa, balse looga fadhiyo in sida ugu dhaqsiyaha badan jawaab uga bixiso.

Allmeheri Media 

 

Dadka qaba cudurka AIDS-ka oo iska fogeeyay in ay is qarxiyaan

ImageQaar ka mid ah dadka qaba cudurka HIV AIDS-ka ayaa beeniyay in ay ka yihiin dadka is qarxiya, iyagoo sheegay in hey’adda dalka sugan looga baahan yahay daryeelka dadka cudurkaasi la xanuunsan.

 

Dadka la xanuunsan cudurka HIV AIDS-ka oo Radio Muqdisho warreysi gaar ah la yeeshay ayaa iska foggeeyay in ay dambeeyaan qaraxyada ka dhaca dalka, iyagoo tilmaamay in isqarxinta iyo xanuunka iyaga haya aysan waxba iska galin.

 

Haweeney ka mid ah dadka qaba AIDS-ka oo aan hadda magaceeda idiin baahin Karin, maadaama ay codsatay in aan la shaacin ayaa sheegtay in ay ku nool yihiin nolol rajo leh, isla markaana aysan diyaar u ahayn is qarxin iyo wax la mid ah, iyadoo xustay in cudurkani uu ku yimaado siyaabo kala duwan, laakin Bulshada looga baahan yahay in ay ka foogjignaadaan.

 

Sidoo kale Haweeneydaasi Seygeeda ayaa isna yiri “hey’addaha dalka ku sugan waxaa looga baahan yahay wacyo galinta Bulshada iyo daryeelka dadka cudurka AIDS_ka la xanuunsan, Koonfurta Soomaaliya waxaa ku nool in badan 300 oo siyaabo kala duwan ugu dhacay AIDS-ka.

 

Ugu dambeyntii ayuu sheegay in ay u baahan yihiin daryeel joogto ah, maadaama ay ku jirto rajo wanaagsan oo xagga nolosha ah, haddana yasan jirin wax dhibaato ah oo ay dareemayan, isagoo haddalkiisa ku soo gunnaanuday in laga daayo dacaayadda laga fidinayo ee ku aadan in is qarxiyaan dadka qaba Varies-ka HIV-ga

Allmeheri Media 

 

Baaq nabadeed oo ay soo saareen Jaaaliyadda meheri ee kenya

ImageNairobi ( News)   Baaq nabadeed oo ay so saareen  Jaaliyadd meheri ee Kenya  ka dib markii ay kulan  wada tashi ah yeesheen  gudiga jaaliyadda  beesha meheri ee Kenya aya waxa lagu falanqeeyey  arinta colaad ka so cusboonaatey gobolka mudug   arintaas oo saameyn weyn ku yeelan karta   midnimada ,  hormarka iyo wada noolashada  Communityga  arinkaas baa gudigu ka so saaray  qodobo dhowr ah. 

Qodobada  laga soo saaray  Baaqnabadeedka. 

  1. In la joojiyo xiisadda Colaadda si shuruud la’aan ah.
  2. In la iskugu yimaado miiska wada hadalka
  3. In loo wada hadlo si walaltimo ah  si looga gudbo colaadda so noq noqotey
  4. In ciidamada  iyo hub aruursiga ay wada labada qolo joojiyaan lana dhameeyo wixi colaada keenay.
  5. In  Odayaasha aysan  jifo  jifo ukala safan ee  qaab tolnimo ah ku xaliyaan mashaqada.
  6. In  beesha Meheri ka gudubto  Jifo jifo loona gudbo  Midnimo  iyo walalnimo
  7. In la joojiyo dilalka qorshaysan ee  loo geysanayo dadka wax galka  Diinta  na xasuusto.

 Baaqan  waxa so saaray Gudiga jaalidda Meheri  ee Kenya oo kala ah sidan:- 

1. Ahmed Omar Mohamed (Ahmed Black)     Chairman of meheri communityKenya

2. Abdullahi Musa  Hagi Aden                        Deputy  Chairman of Meheri community

3. Mustafa Shafici OSman                            Speaker of Meheri Community Kenya

4. Sharif  Bashir Artan

5. Dahir caliGawl

6. Mohamed Omar Mohamed

7 Ahmed Dirir Hussein

8. Calwan Catosh Abukar

9.Ahmed Jama foodcadde

10 Shukri Abu bakar salad

11. Sahra Khalif mire

12.Naima bashir Hashi

 

Ujeedo:warxbin kooban oo ku saabsan xal laga gaaray mashaqadii Kalabeyr Enginer Mohamed dayib guure oo ka xog waramaya Safarkiisii Puntland

Image

Ujeedo:warxbin kooban Arintii Familka iyo Safarkeygii Puntland

Waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin la wadaago safarkeygii Puntland oo iga qaatey mudo 10 cisho , iyadoo aan kusoo kala bixiyey dhamaan gobolada puntland, Bari ,Karkaar(qardho), Garoowe iyo Mudug(Galkacyo).

Malintii Khamista waxaan soo gaba gabeynay Arintii Familka oo ku kala jirtay labadeena qoys oo kala ah Reer Ismacill iyo Reer Muuse.

Wadahadal dheer iyo turxaan bixin kadib ,waxaa laysku waafaqay sida soo socota in laga xakuma shaqaqadii ka dhacdey Magalada Bursalax oo uu ku geeriyodey walaalken marxuum Koronto.

1.Duug dhan 30,million Shilin somali.
2.Qorigii lagu dilay.
3.Mag dhan 100 Halaad(Geel ama dhogor sida aad u taqaniin)
4.20,000 Dollar oo samir siin ah
5.Gabar Godob tir ah.

Intaas kadib labadii dhinac way ku qanceen xukunka gudiga beesha mehri ee arinta loo xilsaaray, waxaana meeshi(goobti)lagu kala qaatey
1.Qorigii iyo
2.Duugti

Waxaana dhawaan loo fadhiyaa in labixyo lacagta samir siinta oo dhan 20,000 dollar halka Magta la bixin doono wakhti la cayimi doono.

Intaas kadib, Ayaa waxaa suuta gashey in Galabnimadii jimcada aan usameeyey Casho sharaf dhamaan dadkii ka shaqeeyey arintaan iyo intii odeyasha ahaa o jogay, kulankaas casho sharafta ah oo ka dhacdey Hotel Classic , waxaa looga wada hadley midnimada beesha sidii loo xoojin lahaa, iyo in mar danbe aysan arintaan soo noqon.

Ugu danbeenti waxaa leysoo gudbiyey Magacyadii Ergada Beesha u matali laheed Shirweynaha lagu ansixinayo Dastuurka oo dhan 7 qof halka labada qof o kaleeto loo dayey in uu so xulo Suldan Abdiqadir Omar Farah Shabeel.

.

Isku soo wada duub, waxaan shaley kusoo guryo noqdey Magalada Muqdisho oo hatan lawada sugayo in lasoo dhameys tiro arimaha Ergada ansixin doona Dastuurka

Wabilaahi towfiiq

Allmeheri Media

Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Oo Ka Hadashay Sababihii Ay Diyaaradda Turkish Airways Muqdisho Ugasoo Degi Weyday

ImageHay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay sababihii ay Diyaaradda Turkish Airways ugasoo degi weyday magaalada Muqdisho taasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay dadku siyaabo kala duwan u fasirayeen.

Mareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Xukuumadda Soomaaliya Eng Cali Maxamuud Ibraahim oo wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in sababaha keenay iney Diyaaradda Turkish Airways kasoo degi weydo maalintii Arbacada  iyo maanta oo Jimce ah ay ugu wacantahay xaga Hawada.

“Soomaalidu way iska warbadantahay ayaga oo aan hubsan ayey waxey doonaan iska sheegaan sida aad la socotaan diyaaradaha Aduunka waxey ku degaan Qalab ka saacida aragtida anagana qalabkaas ma isticmaalno waxaana diyaaradahu ay ku degaan Aragti,Dowladda Turkigana xeer uma ahan duulimaadyadooda iney diyaaradahooda ku degaan dabeyl ka badan 10 marka laga degayo dhanka ay dabeeshu kasoo dhaceyso maalmahaasina dabeesheena waxey aheyd 24”ayuu yiri Mudane Eng Cali Maxamuud Ibraahim.

Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in markii taasi ay timid ay u ogolaadeen diyaaradda iney kasoo degto dhanka kale oo aysan diyaaraduhu kasoo degin waxaase uu tilmaamay in taasi maamulka Shirkadda Turkish Airways ay ka biyo diideen ayaga oo adkeynaya xeerarkooda.

Ugu dambeyntii Mareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Mudane Eng Cali Maxamuud Ibraahim ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay warbaahinta qaarkood baahiyeen oo la xiriiray in duulimaadyada Turkish Airways hakadkooda uu la xiriiro culeys dhanka maamulka ay kala kulmeen waxaanna uu Umadda ku booriyey iney ka fogaadaan warxumo tashiilka

Allmeheri Media

AMAANKA XERYAHA DHADHAAB OO SOO XUMAANAYA

Image

Waxa Caawa abaarihu markuu ahaa 8:15pm xirada qaxootiga ee Ifo qaybta Ifo 2 block U 2 waxaa lagu dhibaateeyay afar ruux kuwaaso loo adeegsaday xabado noolnool waxaa halkaas ku geeriyootay gabar dunida korkeeda kaga tagtay afar 4 cunug, waxaa kaloo dhaawacyo kala dardaran ay soo gaareen sadix 3 nin oo uu kujiro gabadha geeriyootay walaalkeed, raga dhaawaca ah mar lawarstay waxay sheegeen in gabadha ay u geeriyootay dhiig bax kadib markay waysay wax u qaado rogta caafimaadka, raga dhaawaca ah ayaa hada kusugan isbitaalka  warbixintan ayaa waxay naga so gaartey  midka mida madaxda Nurse ka ee Ifo oo lagu magaacabo Ahmed Dirir Hussein 

Allmeheri Media

Malaaq ay caleemo saarteen beel ka mid ah beelaha Banaadiriga

Degmada X/weyne ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu duubay malaaq cusub oo ay yeelatay beesha Dhabarweyne oo ka mid ah beelaha qowmiyada Banaadiriga ka dib markii malaaqii xilkaas hayey uu howlgab noqday.

Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay odayaal dhaqameedyada, culumaaudiinka iyo waxgaradka beesha Dhabarweyne iyo beelaha kale oo qowmiyada Banaadiriga ku abtirsada, iyagoo halkaasna ka jeediyey khudbado ku aadan marxaladaha ay soo mareen odayaasha dhaqanka iyo doorka muhiiimka ah ee ay ku leeyihiin hogaaminta bulshada.

Malaaqii xilka wareejiyey Malaaq Maxamed Malaaq Cumar oo halkaas hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay inuu muddo 62 sanno ah soo hayey xilkaas, uuna haatan howlgab noqday ka dib markii ay ka daba timid da’ iyo xanuuno kala duwan oo ku dhacay.

“Markii aan arkay muhiimada ay leedahay hogaaminta beesha, markii aan arkay in anigoo ahaa malaaqii beesha aan howsha sii wadi karin howlgabnimo awgeed, markii la arkay baahida loo qabo in helo malaaq sii wada howlaha beesha ayaa waxaan hadda wixii ka dambeeya ku wareejiyey xilkii Malaaqnimo si rasmi ah malaaqa cusub Malaaq C/llaahi Malaaq C/qaadir Malaaq Iikar, waxaana ALLE uga baryayaa inuu xilkiisa la garab galo” ayuu yiri malaaqa xilka wareejiyey Malaaq Maxamed Malaaq Cumar.

Malaaqa cusub ee beesha Dhabarweyne Malaaq C/llaahi Malaaq C/qaadir Malaaq Iikar oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in xilka lagu wereejiyey uu yahay mid aad u culus, isagoo bulshada iyo waxgaradka ka codsaday iney gacan ku siiyaan gudashada waajibaadkiisa, wuxuuna balan qaaday inuu daacadnimo ku hogaamin doono beesha uu metelo.

Odayaasha ka soo qeyb galay madasha xil wareejintaas waxa ay kala ahaayeen:

1)Malaaq Xaaji Nuurow Maariyo (beesha Moorsho)
2) Xaaji Abuukar Aweys (Iskaashato)
3) Malaaq C/llaahi C/qaadir Iikar (Dhabarweyne)
4) Cumar Aweys Nuur. Dacas (Ku sime Bandhaboow)
5) Maxamed Bin Uunsane (Reer Faqay)

Iyo xubno kale oo iskugu jira waxgarad iyo culumaa’udiin waxaaa kulankaas laga soo saaray baaq ka kooban 5 qodob oo kala ah:-

1-In afarta beelood ee reer Xamar iyo culumadooda ay marka hore cambaareynayaan wasiirka howlaha guud iyo guryeynta ee DKMG ah oo marwalba ku tunta magaca iyo sumcadda reer Banaadir.

2-In wax walba oo laga rabo ama lagala xaajoonaayo reer Banaadir kaliya lagala tashan karo oday dhaqameedyada hadda xilka haayo, lana aqoonsan yahay.

3-In dastuurka qabyo qoraalka uu u fadhiyo beelaha Banaadiriga oo ay dirsadeen oo kaliya Malaaq Suufi Muude Cali oo ah gudoomiyaha odayaasha dhaqanka qowmiyada Banaadiriga.

4-In reer Banaadir aysan laheyn, weligoodna yeelan wax imaam ah, cidii sheegatana ay iyada ku gaar tahay.

5-In midnimada beelaha Banaadiriga ay tahay muqadas, loona baahan yahay in la adkeeyo.

Wabilaahi Towfiiq

Ciidamada Itoobiyaanka oo nin rayid ah ku diley Baladweyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay maanta ciidamada Itoobiya halkaas ku dileen nin rayid ahaa.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Qoor-gaab ayaa eheladiisa waxa ay warfidiyeenada u xaqiijiyeen inay ciidamadu ka qabteen xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne, halkaas oo ay muddo ku baarayeen, kaddibna ay ku dileen.

Lama oga sababta ay ciidamada Itoobiya u dileen ninka, mana jirto ilaa hadda cid ka tirsan maamulka gobolka iyo kan degmada Beledweyne oo ka hadlay falkan.

Ninka la dilay ayaa lagu soo warramayaa inuu shalay magaalada Beledweyne keensaday xoolo nool oo iib ah, wuxuuna ka mid ahaa dadka reer miyiga ah ee ku nool gobolka Hiiraan.

15 May Maalintii La Asaasey Ururkii Gobonimadoonka Soomaaliya SYL

Image

15 May Maalintii La Asaasey Ururkii Gobonimadoonka Soomaaliya SYL 

Waxay ahayd 15 May 1943-dii markii la asaasey urukii dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL, SYL ayaa lagu tilmaama in uu shidey dhinbishii u horeysey ee Soomaalidu ugu dhaqdhaqaaqdo in ay iska tuuraan heeryadii gumeysiga, 13 dhalinyaro ah oo qaarkood aad u da’yaryihiin ayey ahaayeen asaasayaasha ururkaas, waxaana maanta oo kale loo aqoonsan yahay maalintii Ururkii Dhalinyarada Gobonimadoonka Soomaaliyeed, magacayda asaasayaasha ururkii SYL ayaa kala ahaa:

Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke 
Cabdulqaadir Sakhaawadiin 
Cismaan Geedi Raage 
Maxamad Cismaan Baarbe. 
Dheere Xaaji Dheere 
Daahir Xaaji Cismaan Sharmarke (Dhegaweyne) 
Maxamed Xirsi Nuur (Siidi) 
Maxamad Cali Nuur 
Xaaji Maxamad Xuseen 
Huudow Macallin Cabdullaahi 
Maxamad Faarax Hilowle 
Xaaji Maxamad Cabdalla Xayeesi 
Cali Xasan Cali (Bardura). 
Dhamaantood waa ay dhinteen waxaana ugu nolol danbeeyey Cali Xassan Cali (Cali Barduura) oo ku dhintey dhamaadkii sanadkii 2009, magaalada Nairobi.
Allmeheri Media

More Oil at Somali Well

Rigzone
by Jon Mainwaring|
Monday, May 14, 2012

Horn Petroleum has encountered further oil at its Shabeel-1 well that it is currently drilling in Puntland, Somalia, according to stock exchange announcements made in London on Monday from Horn’s partners Range Resources and Red Emperor Resources.
The firms previously reported that a gross section of 490 feet (150 meters) of oil, with possible net pay of between 39 and 66 feet, had been found. But now that the well has been drilled to a depth of 11,235 feet (3,425 meters) further oil shows have been encountered in the deeper sandstones.

On Monday oil analysts at Fox-Davies Capital commented that the news raised the potential that Shabeel-1 may have a commercial discovery, while also increasing the prospectivity of the remaining targets in the firms’ exploration portfolio in Puntland.

Horn, the operator, holds a 60-percent interest in two Puntland licenses covering an area of 13,900 square miles in what the companies describe as the “highly prospective” Dharoor and Nugaal valleys. Red Emperor and Range Resources each hold a 20-percent interest.

Source: Rigzone

La haystayaal hindi ah ee gacanta ugu jiro burcad badeed soomaali ah oo noloshooda

La haystayaal Hindi ah ee gacanta ugu jirta Kooxo Burcad badeed Somaliyeed ayaa Noloshooda laga deerinayaan ku dhawaad mudo hal sano oo afduub logu haystay Xaradheere.

Ilaa 7 ruux oo badmaaxiin Hindi ah oo mudo 10 bilood afduud logu haystay duleedka degmada Xaradheere ee Gobalka Mudug ayaa xaaladooda caafimaad laga dayrinayaa ka dib markii sida la sheegay waqti dheer afduub logu haystay Somaliya

Dadkan Hindida oo la socday markab oo ay leeyadahay shirkad kaluumeyso oo wadankaasi ku taala ayaa ka codsaday dowladooda iyo madaxda shirkada ay u shaqeeyaan in ay ka badbaadiyaan malayshida ku haysata Somaliya oo ay ku tilmaameen in ay dhibaato joogto ah oo aan loo dulqaadan Karin in ay kala kulmaan.

Bazal Sing oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta afka somaliga ku hadashay ayaa sheegay in habeen meel cusub lagu haayo maalintii masaafo dheer la cararsiiyo qorina madaxa looga haayo jir dilna mar walba loo geysto.

Ku dhawaad ilaa 20 markab iyo in ka badan 200 oo badmaaxiin ah ayaa gacanta ugu jira kooxaha burcadbadeeda Somalida iyadoo qaar ka mid ah maraakiibtaas iyo dadka saran muda laba sano lagu haysto degaano ka tirsan Somaliya gaar ahaan Gobalada Dhexe iyo qeybo ka tirsan Gobalada Puntland.

Kooxaha burcadbadeeda somalida ayaa sanadahi ugu dambeeyay waxaa ay afduubyo ka geesanayeen gudaha iyo meelo ka baxsan biyaha Somaliya iyadoo markabkii ugu dambeyay ee laga leeyahay wadanka Gariiga dabayaaqadii todobaadkii dhamaaday ay ka soo afduubteen meel 600 KM u jirta biyaha wadanka Cumaan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib safar uu ku tagay Istanbul+Sawirro

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib safar uu ku tagay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Maxamuud Axmed Tarsan ayaa dadaal ugu jiray sidii Caasimada Muqdisho ugu raadin lahaa mashaariic dib u dhis iyo horumarin ah, iyadoo dhowaan magaalada ay ka hirgaleen mashaariic badan.

Socdaalka uu ku gaaray Gudoomiye Tarsan dalka Turkiga oo qaatay mudo todobaad ah ayaa waxa uu halkaasi kula soo kulmay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga, oo uu ka mid ahaa Duqa Magaalada Istanbul.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiinta Dowladda Hoose ee dalka Turkiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labada magaalo ee caasimada u ah Soomaaliya iyo Turkiga, iyagoo isku raacay in magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul la mataaneeyo.

Duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir oo saxaafadda hadalo kooban ku siiyay gudaha garoonka diyaaradaha caalamiha ah ee Aadan Cadde ayaa sheegay in safarkiisa uu ahaa mid guul weyn ay uga soo hoyatay magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka socda mashaariic horumarin iyo dib u dhis ah, kadib markii Hey’adda USAID ay ku yaboohday mashruuc la magac baxay Dan Guud oo degmo kasta lagu horumarinayo.

Si kastaba ha ahaatee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wax weyn ka qabtay bilicda magaalada iyo nadaafada, waxaana uu ku guuleystay inuu dhiso wadooyinka, dhismayaasha qadiimiga iyo taalooyinka magaalada ay caanka ku aheyd.

Image

Image

Image

Image

Image

Allmeheri Media

Dowlada Puntland ayaa soo Bandhigtay Taariikh Nololeedkii Allaha U naxariistee Dr.Cabdi Xasan Jimcaale.

Image
DAWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYAXafiiska Wasiirudawlaha Arrimaha Dawlad-Wanaagga  PUNTLAND STATE OF SOMALIA

Office of the State Minister for Good Governance

Ref. WD/DW/5-08/2012 Taariikh : May 10, 2012

Ujeeddo : Taariikh-nololeedka Dr. Cabdi Xasan Jimcaale (01/01/1948-07/05/2012)

Inna Lillaahi wa innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaa shalay oo ay Taariikhda Miilaaddiga ahi ahayd 09/05/2012 Qabuuraha Muslimiinta ee London, caasimadda Ingiriiska lagu aasay Dr. Cabdi Xasan Jimcaale oo ahaa Wasiirudawlaha Madaxtooyada Puntland ee Dastuurka iyo Arrimaha Federalka.

Dr. Cabdi wuxuu Isniintii dhoweyd, 7/5/2012 ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla isla casimadda dalka Ingiriiska ee London.

Haddaba, aniga oo xubin ka ahaa Guddigii Wasiirrada ahaa ee loo xilsaaray qabanqaabada arrimaha la xiriira tacsida iyo aaska marxuumka isla markaasna saxiib la ahaa aqoon fiicanna u lahaa muddo 51 sano ah waxaan jeclahay in aan rasmi ahaan saxaafadda iyo bulshaweynta Soomaaliyeed ugu soo gudbiyo taariikh-nololeedkii Dr. Cabdi Xasan Jimcaale oo dhan, waana sidatan :

Dhalashadiisii :

Dr. Cabdi Xasan wuxuu 1-dii Jannaayo 1948-kii ku dhashay degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir. Dr. Cabdi wuxuu ahaa madi agoon ah bacdamaa uu aabbihiis, Xasan Jimcaale Samatar, uu isago yar dhintay. Cabdi hooyadiis waxaa la oran jiray Isniina Diiriye Liibaan.

Cabdi waxaa la dhalatay oo ay walaalo yihiin Xaliima-Sacdiya Xasan Jimcaale oo iyada, ilmaheeda iyo saygeedu ay haatan ku nool yihiin London, Carriga Ingiriiska.

Waxbarashadiisii iyo heerarkii ay soo martay:

Waxbarashadiisii dugsiga hoose wuxuu Cabdi ku soo qaatay Dugsigii Macallin Jaamac Bilaal ee Muqdisho ku yaallay xilligii gumeysigana la oran jiray (Scuola Cardinale Massaia). Dugsigaasi Wuxuu ku oolli jiray meesha haatan ay ka dhisan tahay Xarunta Ururka Haweenka Soomaaliyeed oo ka soo horjeeda Golaha Murtida iyo Madadaalada – Muqdisho.

Waxbarashadiisii dugsiga dhexe wuxuu Cabdi ku soo qaatay Dugsigii Farsamada Ganacsiga (Scuola Avviamento Professionale a tipo Commerciale) ee Muqdisho.

Waxbarashadiisii dugsiga sare wuxuu Cabdi ku soo qaatay Dugsiga Sare ee Raage Ugaas ee Muqdisho oo uu ka aflaxay 1972-kii.

1980-kii wuxuu Cabdi ka qaalin jebiyay oo shahaadada B.A ka qaatay Kulliyaddii Culuunta Siyaasadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Iyadoo ay Dawladda Soomaaliyeed siisay deeq waxbarasho, Cabdi wuxuu aaday dalka Romania wuxuuna ku biiray Kulliyadda Sharciga ee Bukareesti oo uu ka qalin jebiyay kana qaatay shahaadada jaamacadeed ee derejada 2-aad (Master’s degree) sannadku markuu ahaa 1988-kii.

Isla 1988-kii Cabdi wuxuu iska diiwaangeliyay Kulliyadda Sharciga ee Bukareesti si uu ugu gudbo heerka ugu dambeeya ee waxbarasho jaamacadeed una helo shahaado Ph.D ah. Cabdi wuxuu sii labanlaabay dedaalkiisii iyo jacaylkiisii waxbarasho wuxuuna si buuxda ugu guulaystay inuu dhammaysto kuna aflaxo waxbarashadiisaas jaamacaded isla markaasna uu 1993-kii hantiyo darajada doktoreetka ee loo yaqaan Ph.D (doctor of philosophy).

Intaas waxaa Cabdi u dheeraa tababarro iyo aqoon-isweydaarsiyo muddadooda iyo mawduucyadooduba kala duwanayeen oo uu u tegey dalalka Ruushka (11 bilood), Romania (6 bilood), Uganda, Jarmalka iyo Bulgaria.

Shaqooyinkii uu Cabdi soo qabtay :

Cabdi wuxuu shaqo ka bilaabay muddo dheerna ka soo shaqeeyay Xafiiskii Hawlaha Maraakiiibta ee Wakaaladda Dekedaha Soomaaliyeed (Muqdisho) isagoo arday ah oo dugsiga Dhexe dhigta. Cabdi wuxuu ahaa agoon iskooris ah oo dhanna waxbarashadiisii wata dhanka kalena quutul-yoomkiisii xooggiisa kula soo baxa.

Waxaa kaloo iyaduna xusid mudan oon marnaba la illaawi karin inuu taageero dhaqaale oo maaddi iyo macnawiba leh ka heli jiray masuul Soomaaliyeed oo ay qaraabo ahaayeen, Maxamed Maxamuud Maxamed (Jeelle) oo waqtigan xaadirka ah dalka Maraykanka ku nool.

Dr. Cabdi wuxuu ka soo shaqeeyay Gobollada Mudug iyo Jubbada Dhexe oo uu wakiil gobol uga ahaa Xafiiskii Siyaasadda Golihii Sare ee Kacaanka.

Dr. Cabdi wuxuu kaloo ka soo shaqeeyay Gobollada Hiiraan iyo Galguduud oo uu labadaba ka noqday Ku-Xigeenka Guddoomiye Gobol (Deputy Governor).

Muddadii u dhexaysay 1980-1982-kii wuxuu isku hayay xilalka kala ah : Agaasimaha Waaxda Gobollada iyo Degmooyinka ee Hoggaankii Abaabulka ee Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS), Agaasime-Ku-Xigeenka Dugsiga Maamulka iyo Maaraynta ee Hawlwadeennada XHKS iyo bare waqti-dhiman (Part-time lecturer) ee Kulliyaddii Gahayr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Dr. Cabdi wuxuu muddo kooban ahaa Wakiilka XHKS ee Wasaaraddii Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga (Muqdisho).

Muddo 2 sano ah wuxuu u shaqeeyay Hay’ad Iswidish ah (DIAKONIA) oo uu Soomaaliya uga ahaa Xiriiriyaha Sharciga isagoo fulinaayay barnaamij ay maalgelisay Laanta Qarammada Midoobay u qaabilsan Barnaamijyada Horumarinta (UNDP).

Wuxuu bare ka ahaa isla markaasna sharci ka qaatay dalka Denmark oo uu u haajiray kaddib markii Qarankii Soomaaliyeed burburay.

Waqti yar kaddib markii la doortay (08/01/2009), Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Ku-Xigeenkiisa, Janan Cabdisamad Cali Shire, waxay Dr. Cabdi ugu yeereen inuu Xukuumaddooda ku soo biiro si uu aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa dalka iyo dadka ugaga faa’iideeyo waxayna u magacaabeen Xilka Wasiirudawlaha Madaxtooyada ee Dastuurka iyo Arrimaha Federalka oo uu si karti, xilkasnimo iyo daacadnimo ku dheehan yihiin u hayay ugana soo dhalaalay ilaa ay ajashii ku timid 07/05/2012.

Buugaaggii uu Marxuumku qoray :

Dr. Cabdi Xasan wuxuu ahaa nin qoraa ah wuxuuna qoray laba buug oo lagu kala magacaabo : (1) Dhacdooyinka Maddeganayaasha Geeska Afrika (Soomaaliya) oo lagu daabacay Horn of Africa Books, ISBN 87-986992-0-2, iyo (2) Taxanaha Taariikhda Islaamka, Sunni iyo Shiica : Buuggani wuxuu ka kooban yahay laba qaybood ama laba juz oo qoraalkooda la wada ebyay hase yeeshee waxaa la daabacay Qaybta 1-aad ama Vol.1 oo keliya.

Afafka uu yaqiinnay:

Afkiisa hooyo ee Soomaaliga ah ka sokow Dr. Cabdi Xasan wuxuu si fiican u yaqiinnay Afafka Carabiga, Talyaaniga, Ingiriisiga, Roomaanka iyo Deenishka.

Wuxuu kaloo akhris iyo qoris ahaan u yaqiinnay farta Kareeliya oo ay isticmaalaan Waddammada Islaafka, sida Ruushka iyo Bulgarka, iwm.

Qoyska uu ka tegey:

Dr. Cabdi Xasan wuxuu Ifka kaga tegey afadiisii Maryan Saciid Yuusuf iyo labdooda ilmood oo mataanaha ah, Xasan iyo Xamdi, oo Oktoobarta soo socota 10 sano jirsan doona, haddii Ilaah idmo. Labada ilmood iyo hooyadoodba waxay haatan ku nool yihiin Caasimadda Dawladda Puntland ee Garoowe.

Ugu dambaystii, waxaan jeclahay in aan halkan si gaar ah ugu xuso in muddadii aannu Xukuumadda Puntland ka wada tirsanayn aannu aniga iyo Dr. Cabdi hawlo badan wada qabannay Guddiyo badanna ka wada shaqaynay sida Guddigii Xulka Calanka, Astaanta iyo Heesta Calanka ee Puntland, Guddigii Tiirka Dimoqraadiyaynta iyo kii Dibu-eegidda Dastuurka Puntland.

Hawlahaas aan soo sheegay iyo kuwo ka sii horreeyay oo aannu 51-kii sano oonnu isniqiinnay soo wada qabannay waxaan ku xaqiiqsaday inuu Dr. Cabdi ahaa nin hawlkar ah, xilkas ah, madaale ah, waddani ah. Wuxuu ahaa xalaalquute cibaadada ku fiican. Wuxuu ahaa nin ixtiraam badan oon marnaba jeclayn inuu dadka ku xadgudbo, isaguna ma jeclayn in lagu xadgudbo ama hawlihiisa lagu soo farageliyo : Haddii aan si kale u iraahdo wuu lahaa dabeecad ah : « Ha I daarin ku daari maayo e », waxaana halhays u ahayd oo ay dad badani ku xusuusan karaan (Xaashaa Lillaahi).

Gebagebadii waxaan si aan mugdi ku jirin halkan ugu caddaynayaa inuu
Dr. Cabdi Xasan Jimcaale Samatar ahaa tiir adag oo ka mid ah tiirarka ay Puntland ku taagan tahay si weyn baana loo tebi doonaa, iyadoo ay ajashiisu timid xilli waxqabadkiisa aad loogu sii baahi badan yahay. Ilaah ha u naxariisto Jannatil-Firdowsana ha ka waraabiyo, dhammaanteenna samir iyo iimaan ha ina ka siiyo. Aamiin. Aamiin. Aamiin.

Diyaariyey : Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan).
Wasiirudowlaha Maamul Wanaaga Dowlada Puntland

Allmeheri media